4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 22, 2017
Qaramada Midoobey oo ku baaqday in la kordhiyo taageerada la siiyo ciidamada AMISOM

 

Jimco, September, 22, 2017 (HOL) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Gutters ayaa sheegay in looga baahan yahay beesha caalamka kordhinta taageerada la siiyo ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM.

Gutters oo khudbad ka jeedinayay shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa tilmaamay in howlgalka AMISOM uu yahay mid lagu soo celinayo nabada Soomaaliya.

Xoghayaha ayaa xusay in muhiim ay tahay in la kordhiyo ama la xoojiyo howlgalka nabad Ilaalinta AMISOM.

Howlgalka AMISOM ayaa ah mid lagu taageerayo dowladda federaalka Soomaaliya oo ay  caawiyaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaceeda ku howlan si looga maarmo ku tiirsanaanta ciidamo shisheeye dhismaha ciidamo Qaran oo xoog leh, waxaana jira qorshe dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada isku afgarteen oo ah in dhismaha 18 Kun oo ciidamo militari ah iyo 32 Kun oo ciidamo booliis Soomaaliyeed ah kuwaa oo la filayo in ay kala wareegaan amniga dalka ciidamada AMISOM.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]