4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 22, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo maanta Khudbad ka horjeedinaya shirka gollaha guud ee Qaramada Midoobey

 

Jimco, September, 22, 2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta oo Jimco ah lagu wadaa in uu khubadisii ugu horeysay ka hor jeediyo shirka gollaha guud ee Qaramada Midoobey ee magaalada New York.

Ra’iisal wasaaraha ayaa la filayaa in khudbadiisa uu diirada ku saaro xaaladda Soomaaliya, dhinacyada Ammaanka,siyaasadda , Dhaqaalaha iyo arrimaha banni,aadanimada, Isagoo taageero weydiisan donna beesha Caalamka oo shirkaasi ku sugan.

Marka laga soo tago khudbadaa la filayo maanta ee ra’iisal wasaaraha mudadii uu ku sugnaa New York waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxda caalamka ee ka soo qeybgashay fadhiga Qaramada Midoobey.

Gaar ahaan ra’iisal wasaaraha ayaa kulan looga hadlayay xaalada amniga dalka la qaatay madaxda wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Caalamka ayaa hadda u muuqanaya mid si gaar ah isha ugu haya isbadallada dhinacyada siyaasada iyo amniga ee ka jira dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]