4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 22, 2017
Galmudug oo dowladda dhexe ku eedeysay fargalin siyaasadeed

 

Jicmo, September, 22, 2017 (HOL) – War ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa lagu eedeeyay mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda Soomaaliya in ay faragalin ku hayaan maamulka, kaddib khilaaf ka dhashay go’aan madaxtooyada Galmudug ka qaatay khilaafka wadamada Khaliijka.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug iyo guddoonka baarlamaanka maamulkaas ayaa si wada jir ah uga hor yimid go’aan madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu kula saftay xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ka dhanka ah Qatar.

Warka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa dhignaa siddan :

Dawlad Goboleedka Galmudug waxay mar kale ku celinaysa mowqifkeeda ku aadan go’aanka ay ka qaadatay khilaafka dawladaha Khaliijka u dhaxeeya.

Dastuurka ku meelgaarka ah qodobkiisa 53 aad wuxuu dhigayaa in

  1. Iyada oo la qaddarinayo nuxurka iskaashi ee lagu shaqaynayo, xukuumadda Federaalku waa in ay Dawlad- goboleedyada kala tashataa wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibedda, ganacsiga, ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira heshiisyada caalamiga ah.
  2. Marka ay wada-xaajoodyadu si gaar ah u saamaynayaan danaha khuseeya Dawlad- goboleedyada, xukuumadda Federaalku ergada wada-xaajoodka geleysa waxaa kaabaya wakiillo ka socda Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.
  3. Xukuumadda Federaalka marka ay ka hawlgelayso wada- xaajoodyada, waa in ay isu aragtaa xilgudashadeedana ka muuqtaa in ay tahay ilaaliyaha danaha Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Dawlada Federaalka ah kuma salayn go’aanka ay ka qaadatay khilaafka Khaliijka xiriirka soo jireenka ah iyo danta joogtada ah ee kala dhaxaysa Dawladaha Sacuudiga, Masar, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn.

Waxaan ugu baaqaynaa Siyaasiyiinta, Odyaasha, Waxgaradka, Aqoon yahanka, Ganacsatada, iyo Culimada kasoo jeeda Galmudug in ay meel uga soo wada jeestaan si wadajir ahna uga hortagaan daandaansiga iyo dhiilada lagu hayo Shacabka iyo dowladda Goboleedka Galmudug.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]