4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2017
Mareykanka oo $575-M siinaya dalal ay Soomaaliya ka mid tahay Soomaaliya

 

Jicmo, September, 22, 2017 (HOL) - Wakaaladda Maraykanka ee Horumarinta Caalamiga USAID ayaa ku dhawaaqday $ 575 Milyan oo dheeraad ah oo gargaar ah in ay siineyso dalalka Yemen, Koonfurta Suudaan, Nigeria iyo Soomaaliya oo Abaaro ay ka jiraan.

Hay’adda ayaa sheegtay in ujeedada lacagtan ay u bixineyso ay tahay sidii ay u caawin laheyd malaayiin qof oo Afartan wadan ku wajahaya gaajada iyo rabshadaha.

“Lacagta dheeraadka ah waxay keenaysaa kaalmada bini’aadanimo ee Mareykanka ilaa $ 2.5 bilyan oo ah afartan dal ee tan iyo bilawgii sanadka 2017.” Ayaa lagu yiri warka Hay’adda Mareykanka ee Horumarinta Caalamiga ah.

Mark Green, Madaxa USAID, ayaa Maaliyaddan cusub kaga dhawaaqay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay New York, halkaas oo hoggaamiyeyaasha caalamku ay ka maqlaan dhibaatada aan caadiga ahayn ee ka jira dalalkan.

“Malaayiin qof ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo sababtoo ah dhibaatooyinka ay saameeyeen Koonfurta Suudaan, Nigeria, iyo Yemen iyo Soomaaliya, halkaas oo iskahorimaadyada socda ay sii xumeeyeen saameynta abaar ba’an.” ayuu yiri Mark Green.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]