Madaxweyne Waare : Waa in siyaasada Arrimaha dibedda looga danbeeyo dowladda dhexe
Jicmo, September, 22, 2017 (HOL) - Madaxweynaha
cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay arrimaha
siyaasadda dibedda in ay wakiil ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya,
muhiimna ay tahay in looga dambeeyo.
Madaxweye Waare ayaa sheegay in doorka dowlad goboleedyada ay ku leeyihiin
arrimaha siyaasadda dibedda in uu yahay talo bixin iyo farsamo oo kaliya, balse
aysan aheyn in ay go’aan ka gaaraan siyaasada arrimaha dibedda.
“Xiriirka Caalamiga ah waxaa iska leh Dowlada Dhexe doorka uga furan maamul
goboleedyada waa talo bixin waa farsamo waa danahooda iyo mashaariicdooda ay
soo gudbiyaan.” ayuu yiri Madaxweyne Waare.
Laakiin waxaa uu dhinaca kala sheegay in mowqifka ay qaadatay dowladda dhexe
ee dhaxdhaxaadnimada ah loo baahan yahay in ay labada dhinac ee iska soo
horjeeda ku wada qanacsan yihiin, balse aan loo baahneyn in dhinac kaliya lagu
raaligaliyo.
Aragtida madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle ayaa ah mid ka hor imaneysa go’aanka
ay qaateen hogaamiyayaasha dowlad gobolleedyada qaarkood.
Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Koofurgalbeed,Puntland iyo Galmudug
ayaa dhowaan cadeeyay in ay taageersan yihiin dalalka Sacudi Carabiya iyo
Imaaraadka Carabta, sidoo kale waxaa go’aankaa hore u taageeray madaxweynihii
kalsoonida lagala noqday ee Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]