4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 22, 2017
Shirar looga hadlayay Aminiga Soomaaliya oo ka dhacay New York (Sawirro)


Jicmo, September, 22, 2017 (HOL) - Wali waxaa magaalada New York ka soconaya shirarka gooni goonidaa ee uu Raysulwasaare Hassan Ali Kheyre la yeelanayo madax badan oo ka socota Beesha Caalamka, kuwaas oo ay siyaabo kala duwan u kulmeen, waxaana kulamadaasi ay noqonayaan kuwo Madaxda wadamadu isku arkaan.

Raysulwasaare Kheyre waxa uu la kulmay Wasiirka Arimaha dibada ee China Wang Yi Waxa ay labada Masuul kawada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka soo jireenka ah ee labada dal u dhexeeya iyo sidii China ay maalgashi ugu samaysan lahayd Soomaaliya, iyada oo ka caawinaysa dowlada Soomaaliya sidii ay dib ugu soo ceshan lahayd muuqalka iyo bilicda dalka, Labada Masuul iyo wafuudooda ayaa yeeshay shirar albaabadu u xiranyihiin.

Kulan saxaafada loo diiday ayuu Raysulwasaare Kheyre iyo wafdigiisa la qaateen madax ka socota wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo sida xubnaha dowladu noo xaqiijiyeen ka wada hadlay arimo la xariira Xoojinta xariirka wadamadaas la leeyihiin Soomaaliya, Horumarinta howlgalada ka dhanka ah Nabad diidka iyo sidii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo la wareega amniga dalkooda.

Madaxdii ay la kulmeen wafuuda dowladda Soomaaliya waxa ay qireen in Soomaaliya ay ka soo kabanayso xaaladihii adkaa ee ay soo martay isla markaana uu muuqanayo isbadal dhaxal gal ah, iyaga oo balan qaaday in ay is garab taagi doonaan dowlada Soomaaliya.

Raysulwasaaraha oo ka hadlay shir ay hogaaminayeen dowladaha Soomaaliya,UK, Talyaaniga, iyo xoghaya guud ee qaramada midoobay ayaa sheegay dowladiisu ay muhiim u tahay kaalinta ay beesha caalamku kaga jirto soo celinta amaanka iyo xasilooni dhab ah oo Soomaaliya ka dhacda, hase ahaatee ay xukuumadiisu xooga saarayso sidii ay u kobcin lahayd dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo in ay u furantahay Soomaaliya Maalgashi caalami ah.

Shirarkii uu Raysulwasaaruhu ka qeybgalay waxaa ka mid ahaa shir looga hadlayay Abaaraha iyo ka hortaga misiibooyinka dabiiciga ah, waxa uuna ka sheegay in Hay'adaha samafalka qaarkood ay sheegaan in aysan ka howlgalikarin ama tagi karin Soomaaliya qataro dhinaca amaankaa oo jira awgood, Taas oo uu ku tilmaamay mid ka hor imaanaysa in la samafalo malaayiin dad ah oo u bahan taageero dhab ah.

Waxaa uu xusay in xaalada Soomaaliya ay dhinacyo badan ka soo kabanayso gaar ahaana amniga, loona baahanyahay in aan isha laga fiirsan.

Manta oo Jimcaa ayaa lagu wadaa in uu soo jeediyo Qudbadiisa uu ka jeedinayo shirka  Gollaha loo dhanyhay ee Qaramada Midoobay.

Deeqo Shire (SONNA)

[email protected]