4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
Bashiir Xusseen Dhoore oo caawa ku geeriyooday magaalada Beledweyne

 

Khamiis,, September, 21, 2017 (HOL) - Bashiir Xusseen Dhoore oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii maamulka iyo maaaliyada degmada Beledweyne, kana mid ahaa Aqoonyahannada gobolka Hiiraan ayaa caawa u geeriyooday xanuun deg deg ah la soo darsay.

Guddoomiyaha degmada Beledweyne Aadan Axmed Xeefoow ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka uu la soo darsay xanuun deg deg ah xili uu ku jiray Salaad Maqrib islamarkaana uu Iimaam u ahaa mas’uuliyiin ay ku wada tukanayeen xarunta maamulka degmada Beledweyne.

‘’xarunta ayaa Saalada Maqrib ku wada Tukaneynay, Isaga ayaa Iimaam ka ahaa Salaada, Labadii Rakco ee ugu horeysay markii uu tujiyay ayuu soo kici waayay, Jameecadii Salaada ayeey iska sii wateen, markii Salaada laga faaruqayna waxaa la arkay isaga oo meyd ah’’ ayuu yiri guddoomiyaha degmada.

Bashiir Xusseen Dhoore marka laga soo tago in uu xilal kala duwan ka soo qabtay maamulka gobolka, waxaa uu ka soo qeyb qaatay dhismihii dowladihii ku-meel-gaarka ahaa ee isaga danbeeyay dalka, gaar ahaan dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa CabdiQaasim Salaad Xassan ee lagu soo dhisay dalka Jabuuti isaga oo ka mid ahaa howladeennadii shirkii Carta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]