4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
Warbixin iyo Sawirro soo dhaweyntii madaxweynaha Hirshabeelle ee magaalada Beledweyne Video


Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) - Madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacay oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay.

Mas’uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo, saraakiisha ciidamada dowladda, AMISOM iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta madaxweynaha .

Madaxweyne Waare iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo galleen magaalada Salaan ugu tagay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo ka mid ah duubabka dhaqanka  Soomaaliyeed.

Munaasabad si heer sare ah loo soo Agaasimay oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka ayuu madaxweynuhu kula hadlay qeybihii bulshada ee soo dhaweyntiisa ka qeybgashay.

Waare ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan iyo guud ahaanba deegaannada maamulka Hirshabeelle  in ay la xisaatamaan maamulka, isaga oo balanqaaday in mudo kooban uu wax uga qabanayo xaaladaha kala duwan ee gobolka ka jira.

Safarka madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tagay magaalada Beledweyne ayaa dhinaca kale xambaarsan sidii uu kulamo ula qaadan lahaa waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka, isaga oo kala hadli doona wada shaqeyn dhaxmarta qeybaha bulshada gobolka Hiiraan iyo maamulka uu madaxweynaha ka yahay ee Hirshabeelle.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]