4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
Mas'uuliyiin ka qeybgashay munaasabad loo qabtay Ardey ka qalinjabisay Jaamacada Jobkey


Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) Xaflad ballaaran oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey boqolaal arday oo ka qelin jebisay shanta kuliyadood ee Jaamacadda Jobkey ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Munaasabadan oo si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan goleyaasha xukuumada iyo baarlamanka Somalia, qeybaha kala duwan bulshada, fanaaniin, waalidiin arday, iyo marti sharaf kale.

Intii ay munaasabadan socotay ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo isugu jirtay heeso, ciyaaraha hidaha & dhaqanka iyo gabayo ka turjumeyey qiimaha waxbarashada.

Guddoomiyaha Jaamacadda Jobkey C/casiis Caagane C/samad oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka hadashay Munaasabadan ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin farxadeed, uuna u hambalyeynayo ardayda qelin jebisay oo uu sheegay iney yihiin dufcadii 3aad oo tiradoodu gaareyso 1,057 arday, wuxuuna dhinaca kale ku dheeraaday asaaska Jaamacada marxaladihii ay soo martay, horumarka ay ku talaabsatay iyo qorsheyaasha ay higeysaneyso mustaqbalka dhow.

“Maanta waa maalin xusuus mudan, waxaan naga qelin jebineysa 1,057 arday oo u qeybsan Muqdisho 892 arday, faraca Jowhar 134 arday iyo faraca B/weyne oo 31 arday ay ka aflaxeen, waxayna  qaadanayaan Shahaadada heerka Koowaad ee Bachelorka waa guul taariikhi ah oo u soo hoyatay bahda waxbarashada Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye Caagane oo Mustaqbal wanaagsan u rajeeyey ardayda qelin jebisay oo uu sidoo kale ugu baaqay in ay sii wataan Waxbarashadooda. 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo isna ka hadlay xafladaas ayaa sheegay in ardayda faraha badan ee ka qelin jebisay Jaamacada Jobkey ay astaan u tahay horumarka Jaamacaddu ku talaabsatay mudada kooban ee ay jirtay, wuxuuna hambalyo u diray ardayda qelin jebisay isagoo u mahad celiyey maamulka Jaamacada ee ku soo dedaalay ardaydan.

Guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa isna hambalyada ka sokow ardayda qelin jebisay ugu baaqay in aqoonta ay Mudada dheer soo baranayeen wax ugu qabtaan dalkooda iyo dadkooda.

Ku-simaha Raisul Wasaaraha ahna Raisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumada Somalia Mahdi Maxamed Guled (Khadar) oo ugu dambeyn ka hadlay munaasabada ayaa bogaadin iyo hambalyo u diray ardayda qelin jebisay oo uu sheegay in looga fadhiyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalkooda.

“Wadanka kasta horumarkiisa waxaa horseed u ah dedaalka ay muujiyaan aqoonyahanadiisa, wadamada horumaraya ee aad arkeysaan aqoon iyo cilmi baaris ayey ku gaareen, waxaana la idinka fadhiyaa inaad sidaas la mid dadkiina iyo dalkiina u horseedaan, Soomaaliya oo hadda burburka ka soo kabaneysana idinka iyo kuwa idinla mid ah ayey u baahan tahay” ayuu yiri raisul wasaare ku-xigeenka oo balan-qaaday in xukuumadu ku dedaali doonto sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa ardayda qelin jebisay.

Hadallo isugu jiray hambalyo, guubaabo iyo dardaaran ayaa waxaa intii munaasabadan ay socotay ka jeediyey Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiir ku-xigeenada Wasaaradaha Waxbarashada iyo dastuurka ee dowlada Somalia, Senator Prof. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka tirsan xubnaha aqalka sare iyo masuuliyiin kale, waxaana munaasabadaas goob joog ka ahaa Wasiirka warfaafinta Somalia Ing. C/raxmaan Yariisow, xildhibaano, aqoonyano iyo marti sharaf kale oo fara badan.

Madaxdii munaasabadan goob jooga ka ahaa ayaa waxay shahaadooyin  gudoonsiiyeen ardaydii ka qelin jebisay kuliyadaha Jaamacadda Jobkey waxaana xafladaas ay ku soo dhamaatay jawi farxadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]