4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
Qodobo laga soo saaray shirkii taliyayaasha ciidamada dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyda


Khamiis, September, 21,  2017 (HOL)  - Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir mudo saddex maalmood ah uga socday taliska ciidamada booliiska dowladda federaalka iyo kuwa dowlad gobolleedyada dalka oo looga arinsanaya hanaanka dhismaha ciidamo booliiska oo isku dhaf ah.

Shirka ayaa ugu danbeyntii laga soo saaray qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen

1 : Dardargalinta dhib u dhiska iyo dib u habeynta ciidanka booliiska Soomaaliyeed, xag ciidan qalabeyn, tababar, deegaan Aagab iyo isku xirnaan.

2 : In la dadajiyo fulinta siyaasadaha heshiisyada iyo go’aannadii ay gaareen guddiga amniga Qaranka ee ku saabsanaa dib u dhiska ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

3 : In si joogta ah xili mudeysan labadii biloodba mar si meerto ah CPC ugu shiraan caasimadaha dowlad gobolleedka taliyayaasha booliiska heer Qaran iyo heer dowlad gobolleed, kaasoo looga arinsan doono dardargalinta howlaha booliiska iyo amniga dalka, waxaa sidoo kale leysku raacay hab raaca shaqo (TOR) ee guddigu ku shaqeeyaan.

4 : In wada shaqeyn buuxda lala sameeyo guddiga farsamo ee wasaarada amniga dhiseyso loona magacaabo xubno uga qeybgala labada heer booliiska Soomaaliyeed.

5 : In hal manhaj tababar oo isku mid ah  loo sameeyo ciidamada iyadoo wixii tababar ah mas’uul ka noqon doono booliiska federaalka.

6 : In wixii kaalmo ama deeq ah loo qeybo si cadaallad ah oo ku saleysan baahida

7 : Ugu danbeyntii waxaa kaloo lagu heshiiyay in Jaangoynta 32 Kun Askari ee booliiska Soomaaliyeed loo saaro guddi u soo xusha si cadaalad ah oo baahida ku saleyn.

Wasiirka wasaarada amniga gudaha Maxamed Abuurkar Isloow Dacaale iyo taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliyeed Jen C/xakiin Daahir Saciid ‘’Saacid’’ oo si wada jir ah u soo xiray kulanka, ayaa u mahad celiyay dhamaanba taliyayaashii ka qeybgalay kulanka, gaar ahaan taliyayaasha dowlad gobolleedyada.

Wasiirka ayaa sheegay shirka ugu soo horeeya lagu qaban doono hadba maamul gobolleedkii leysku afgarto.

Jen Saacid ayaa sheegay in booliisku lafdhabar u yahay dowladnimada, isaga uga mahad celiyay taliyayaashii ciidamada ee ka qeybgalay kulanka sida ay ugu dadaalayaan dhismaha ciidamo tayo leh oo leysku haleyn karo.

Shirkan ayaa daba-socday go’aankii ay horay u gaareen mas’uuliyiinta dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada ee dhismaha ciidamo Qaran oo isku dhaf ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]