4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
Galmudug oo isku khilaaftay mowqifka madaxweyne Xaaf ee khilaafka wadamada Khaliijka

 

Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) - Kaddib qoraal uu soo saaray madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo taageeray mowqifka wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ka dhanka ah Qatar, ayaa dhinaca kale waxaa soo baxay qoraal loogu soo horjeedo mowqifkaa hore  ee  ka soo baxay madaxweyne Xaaf.

Shir jaraa'id oo ay wada jir ugu qabteen magaalada Cadaado, ku-xigeenka Madaxweynaha Galmudug ahna madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi, guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo guddoomiye ku- xigeenka labaad Maxamed Sheekh Axmed, waxeyna ku gacan seyreen go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galmudug ee uu ku taageeray isbahaysiga Sucuudiga.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaanshi Cabdi ayaa sheegay mowqifkooda la socodsiiyeen madaxweynaha Galmudug , isaga oo intaa ku daray in ay tageersan yihiin mowqifka dowladda federaalka.

Wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cismaan ayaa VOA u sheegay in madaxweynaha Galmudug uu qaatay go’aanka lagu taageerayo dowladdaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ka dhanka ah dowladda Qatar.

Hadaba Hoos ka Akhriso qoraaalka danbe ee ka soo baxay Galmudug :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]