4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
HRW oo ka hadashay markii ugu horeysay arrinta Qalbi Dhagax

 

Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) - Hay'adda u doodo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay bayaan ay uga hadlayso dhibaatada ay wajahaan qaxootiga Itoobiya ee ku sugan dalalka Bariga Afrika.

Hay'adda ayaa sheegtay in dhibaatooyiin ay la kulmaan qaxootiga, qaarkoodna loo gacan geliyo dowladda Itoobiya oo raadineyso dadka mucaaradka ku ah.

Warka waxaa lagu xusay in dadka caanka ah ee mucaaradka ku ah Itoobiya ee loo dhiibay maamulka Addis ay ka mid yihiin kuwa haysta dhalashooyiinka dalal Reer Galbeed ah.

Dadkaasi waxaa ku jiray nin dhalasho British haystay oo lagu qabtay Yaman iyo qof kale oo lagu qabtay South Sudan oo dhalashada Norway haystay.

Sidoo kale hay'adda ayaa xustay Cabdikarim Sheekh Muse oo loo garanayay Qalbi Dhagax oo la sheegay in dowladda Soomaaliya ay u gacan gelisay Itoobiya.

Cabdikarim wuxuu ka mid ahaa guddiga fulinta ee Jabhadda Xoreynta Soomaali Galbeed ee ONLF, wuxuuna dhowr sano ku noolaa magaalada Muqdisho.

Hay'adda difaacdo xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa qortay in Somaliland dhankeeda ay qaxooti ku qasabtay in ay Itoobiya ku noqdaan.

"Sideed ka mid ah dadkii noqday ayaa lagu jirdilay gudaha Itoobiya", sida HRW ay sheegtay.

Dowladda Soomaaliya ayaa Qalbi Dhagax ku eedeysay in uu argagixiso taageerayay, sidaa darteedna "Amniga uu halis ku ahaa".

Xuquuqda Warkan : BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]