4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
Gollaha wasiirada oo isku raacay in la adkeeyo mowqifka DF ee khilaafka wadamada Khaliijka

 

Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) - Shirkii todobaadlaha ee gollaha wasiirada Soomaaliya ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Amniga Qaranka, Mowqifka Soomaaliya ee khilaafka Khaliijka iyo Miisaaniyada 2018 ka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay ku-simaha ra’iisal wasaaraha ahna ra’iisal wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed, ayaa ugu horeyn warbiixin looga dhageystay wasiirka amniga gudaha Maxamed Abuukar Isloow Ducaale.

Wasiirka ayaa sheegay in hay’addaha amniga labo jibaarayaaan howlgalada xasilinta, isaga oo bulshada inteeda kale ka codsaday in ay la shaqeeeyaan ciidamada.

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha ayaa golaha wasiirada u sheegay muhiimada illaalinta sharciga iyo nidaamka dowlladeed, kadibna golaha wasiiradu waxaa ay isla garteen adkeynta Mowqifka Soomaaliya ee ku wajahan khilaafka Khaliijka wadamada Carabta, iyaga oo soo saaray qodobadan :

 

1.Golahu waxay si adag u ayideen mowqifkii dawladda Federaalka ee bishii Juun 2017-ka ee qeexayey in Soomaaliya ay door dhexdhexaad ah ka taagan-tahay muranka wadamada khaliijka qaarkood, una aragto in khilaafka jira lagu xaliyo si nabadgelyo ah oo ay wallaaltinimo iyo diblomaasiyad ku dheehan tahay.

2.Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay ku guuleysatay wadashaqeynta dowladda dhexe iyo dawlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyadoo qabatay labo shir lixdii bilood ee ugu dambeysey, taasoo ay muhiimadeedu aheyd ka wada shaqeynta xoojinta amniga iyo midnimada qaranka.

3.Sida ku cad qodobka 54aad ee dastuurka KMG ah ee Soomaaliya,dowlada federaalka oo kaliya ayaa awood u leh go’aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.

4.Soomaaliya weligeedba doorkeedu waxuu ahaa in aynaan waddamo wallaalo ah la kala safan oo mar walba laga shaqeeyo wadajirka waddamada Carabta, Afrika iyo kuwa Islaamka ah. Doorkii Soomaaliya ee heshiiskii Camp David ee dhamaadkii 70-naadkii waxuu ahaa in Soomaaliya ay diidday in xiriirka loo jaro dalka Masar, taas oo keentay in markii danbe ee ay waddamadii Carbeed heshiiyeen in go’aankeenii dhex-dhexaadka ahaa la wada ammaanay. Sidoo kale go’aankan muranka wadamada Khaliijka qaarkood oo Golaha Wasiiradu maanta mar-labaad ayiday, waxaa soo dhoweeyey shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo weliba beesha caalamka.

 

Qodobadan ka soo baxay shirka gollaha wasiirada ayaa imanaya xili ilaa Afar maamul gobolleed oo Soomaaliya ah ka soo horjeesteen mowqifka dowladda ay ka qaatay khilaafka wadamada Carabta, waxaana maamuladaa ugu danbeeyay Galmudug oo taageertay go’aanka xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga ee ka dhanka ah Qatar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]