4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo gaaray magaalada Beledweyne

 

Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) -Madaxweynaha dhawaan la doortay ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ah xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo saraakiil ciidan oo uu ka mid yahay taliye ku-xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliyeed Jen Mukhtaar Xusseen Afrax.

Wafdiga ayaa Salaan ugu tagay Ugaas Xassan Ugaas Khaliif iyaga oo intaa kaddibna loo soo gudbiyay xarunta maamulka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]