4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
200 oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo lagu xiray dalka Yemen

 

Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) - Ilaa 200 oo qaxooti Soomaaliyeed ah ayaa lagu xiray gobolka Koonfurta ku yaala dalka Yemen ee Hadhramaut sida laga soo xigtay booliiska gobolka.

Saraakiisha booliiska ayaa sheegay in ay ay qabteen 200 oo qaxooti Soomaaliyeed ah, kuwasi oo ku socday hab sharci daro ah islamarkaana aan wadan dukumintiyo sharciyeysan.

Dadkan qaxootiga ah oo ay ku jireen carruur iyo dumar ayaa soo gaaray yemen, sida ku qorneed war- saxafadeed ka soo baxay xarunta booliska ku yaaalo degmada Mayfa ee koonfurta gobolka Hadhramaut, sida ay sheegayaan warar laga helay ciidamada amniga ayaa waxa sheegayaan in dadkii la hayay loo gudbiyay xerada qaxootiga ee Africa ee ku taaalo koonfurta gobolka Shabwa ee Yemen.

Warbixin ay soo saartay hayda UN-ka ee arrimaha qaxootiga ayaa sheegayo in qaxootiga Africa ah ee soo gaarayay, Yemen tan iyo billowgii 2017-ka inuu dhaafay 30,000 oo Ruux.

Hay’adda IOM ayaa Talaadadii todobaadkan sheegtay in 133 ruux oo qaxooti Soomaaliyeed dib ugu laabteen dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]