4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
Amaanka magaalada Beledweyne oo siweyn loo adkeeyay

 

Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa siweyn u adkeynaya amniga guud ahaan magaalada Beledweyne oo saacadaha soo socda la filayo in uu gaaro madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Waddada isku xirta garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif iyo magaalada ayaa lagu arkayaa ciidamo ku hubeysan gadiidka dagaalka oo gaaf-wareegaya si looga foojignaado falal amniga lid ku ah.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay bulshada in ku dhaqan magaalada in ay ka qeyb qaataan soo dhaweynta madaxweynaha lana ilaaliyo xasiloonida.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo xilkan loo doortay 16kii bishan Sabtidii aynu soo dhaafnay ayaa ayaa wareegtadisii ugu horeeysay ee uu soo saaray waxaa uu xilkii uga qaaday guddoomiyihii maamulka gobolka Cumar Aadan Ibraahim Baadiyoow, waxaana mar kale xilka guddoomiyaha gobolka loo magacaabay Cali Jeyta Cismaan.

Safarka madaxweynaha Hirshabeelle ee magaalada Beledweyne ayaa lagu micneeyay sidii uu odayaasha iyo waxgaradka gobolka uga raaridi lahaa in ay taageeraan maamulka uu madaxweynaha ka yahay oo muddo dheerba laga diidanaa gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]