4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo digniin ka soo saaray safarada xildhibaannada

 

Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) –Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa uga digay Xildhibaanada safarada ugu anbabaxa dalka dibediisa iyadoo uusan guddoonku ka warqabin.

Guddoomiyaha baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Safarada badan ee xildhibaannada ay caqabad weyn ku noqotay kulamada baarlamaanka ee caadiga ah, isla markaana illaa boqol Xildhibaano ay safaro ugu maqan yihiin dalka dibediisa.

“Ma jiro xildhibaan safar karan isaga aanan guddoonka soo ogeysiin guddoonka baarlamaanka waa in uu sheegaan xildhibaannka howsha uu u baxayo, si looga warqabo, hada boqol Xildhibaan ka badan ayaa maqan oo aanan ka warqabin ujeedada ay u maqan yihiin”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Kulamada baarlamaanka ayaa mar marka qaar u baaqda Kooram la’aan, madaama la waayo inta badan xidhibaannada oo aan qaarkood soo xaadirin kulamada ama safar uga maqan dalka.

Guddoomiye Jawaari ayaa xildhibaannadda ugu baaqay in ay waajibkooda gutaan, waxaana uu tilmaamay in ay ka turjumayaan shacabka oo ay saaran tahay mas’uuliyad, sidaas darteedna aanan loo baahneyn in ay danahooda gaarka ah fiirsadaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]