Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) – Madaxweynaha
waddanka Iiraan, Xasan Ruuxaani, ayaa khudbad uu ka jeediyay gollaha guud ee QM
waxaa uu si xooggan ugu cambaareeyay dhaleecaynta uu dalkiisa kala kulmay
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.
Ruuxaani ayaa sheegay in hadalkii weerarka ahaa ee ku jiray khudbaddii uu
Trump goor hore ka jeediyay Qaramada Midoobay uu ahaa mid uu ka muuqday Jaahilnimo,
wax laga yaqyaqsiyoodo iyo naceyb.
Madaxweyne Ruuxaani ayaa sheegay in dadkiisa aysan cabsi gelini doonin
hanjabaadaha uga imaneysa sida uu hadalka u dhigay dalka Mareykanka.
Trump ayaa Iiran ugu yeeray dowladd musuqmaasuq ah oo keli talis ah oo
colaadan faafinaysa.
Madaxweyne Trump waxa kale oo Iiran uu ugu yeeray hogaankeeda dilaaga ah,
waxa uu yiri Iiraan waxay isku deyday in ay deganaansho la'aan ka abuurto
Bariga Dhexe oo dhan.
Donald Trump ayaa ugu baaqay Iiraan in ay joojiso taageerada ay u fidiso
argagixisada isla markaana waxa uu canbaareeyay heshiiskii uu Obama la galay
Iiraan.
Balse Madaxweyne Ruuxaani waxaa u difaacay heshiiskaasi waxa uuna sheegay in
Iiran ay si adag uga jawaabi doonto hadii dal kamid ah kuwii heshiiska
barnaamijka nukliyerka saxiixay u ku xadgudbo.
BBC
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]