4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle oo maanta ku sii jeeda magaalada Beledweyne

 

Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) - Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa soo sheegaya in maanta magaalada Beledweyne uu ku wajahan yahay madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan gollayaasha Hirshabeelle.

Madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa in magaalada Beledweyne uu kulamo kala duwan kula yeesho odayaasha dhaqanka siyaasiin iyo xubnaha maamulk gobalka Hiiraan isaga oo kala hadli doona wada shaqeynta maamulkiisa madaama ay jiraan siyaasiyiin iyo odayaal ka soo jeeda goolka oo aan wali ku qanacsaneyn habka loo maray dhismaha guud ahaanba maamulka Hirshabeelle.

Xubno ka tirsan xildhibaannada socodaalka ku wehlin doona madaxweyne Waare ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedada socdaalkooda uu salka ku haayo kormeer lagu sameeyo deegaanka iyo kulamo wada tashi ah lala qaato odayaasha gobolka, dhinaca ka dalbado waxgaradka ka soo jeeda gobolka Hiiraan in ay ka soo qeybgallaan munaasabada caleemo saarka madaxweynaha.

Munaasabada caleema saarka madaxweyne Waare ayaa lagu wadaa in ay dhacdo 27-ka Bishaan sida ay shaaciyeen gudiga doorashada madaxweynaha Hirshabeelle maalintii ay dhacday doorashadaasi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]