4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 21, 2017
Galmudug oo taageertay mowqifka isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka ee ka dhanka ah Qatar

 

Khamiis, September, 21, 2017 (HOL) - Maamulka Galmudug ayaa taageeray go’aanka xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ee ka dhanka ah dowladda Qatar, iyaga oo ka soo horjeestay go'aanka xukuumada Soomaaliya ay arintan ka qaadatay.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha mamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo warkan lagu cadeeyay ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay sababta Galmudug ay u taageertay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta in ay tahay xiriir wanaagsan oo kala dhexeeya.

Wasiirka Warfaafinta maamulka Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan ayaa sheegay Shirkii Madasha Hoggaanka Qaranka ee lagu qabtay Muqdisho ay ku wargeliyeen in xukuumadda Soomaaliya aanay mowqif dhex dhexaad ah ka qaadan karin arrimaha Khaliijka, sababo ku aadan xiriirka taariikhiga ah ee kala dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka ayaa dowladda Soomaaliya inay ugu baaqay in ay dib u eegto mowqifkeedii dhex dhexaadka ee ay ka qaadatay xiisada Khaliijka, islamarkaana ay tixgeliso walaaca ay qabaan dowlad goboleedkada.

Maamul goboleedyada Hirshabeelle, Puntland, Koonfur Galbeed ayaa horey u taageeray xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxaana maamulka Galmudug uu noqonayaa maamulkii Afaraad, ee taageera go’aana xulufada Sacuudiga ay ka qaateen dowladda Qatar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]