4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2017
Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeele oo guddoomiye cusub u magacaabay gobolka Hiiraan

Talaado, September, 19, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele Mudane Maxamad Cabdi Waare ayaa maanta Cali Jayte Cismaan u magacaabay guddoomiyaha gobolka Hiiraan. Wuxuu xilka kala wareegidoonaa mudane Cumar Aadan Deeqow (Cumar Baadiyow).

Magacaabistaan ayaa noqoneysa xilkii ugu horreeyey ee uu magacaabo madaxweyne Maxamad Cabdi Waare

Xildhibaanada dowlad goboleedka Hirshabeele ayaa bishan 16keeda u doortay Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeele wuxuuna beddelay mudane Cali Cabdullaahi Cosble oo isla-baarlamaankaas ay xilka ka qaadeen.

Waa markii labaad ee Mudane Cali Jayte loo magacaabo jagada guddoomiyinimada gobolka Hiiraan.