4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo New York kula kulmay wasiirka arimaha dibadda Ruushka

 

Talaado, September, 19, 2017 (HOL) --Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo  gaaray dalka Mareykankay wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka Sergey Lavrov iyo madax kale oo dowladaasi ka tirsan.

Ra’iisal wasaare Kheyre  iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruusha Sergey Lavrov ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal  u dhaxeeya iyo sidii dowladda Russia ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo qalabeyntooda.

Wafdiga labada dhinac ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la kordhiyo kulamada ay yeelanayaan masuuliyiinta labada dowladood, si loo adkeeyo xiriirka muddada dheer jira ee Soomaaliya iyo Ruushka ka dhaxeeya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu wadaa in khudbad dhinacyo badan taabaneysa in uu ka jeediyo shirka ka gollaha guud ee Qaramada Midoobey oo maanta ka furmay magaalada New York.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]