4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2017
Akhriso : Bayaan culimada Soomaaliyeed ay ka soo saareen nin u gafay Nabi Maxamed NNKH

 

Talaado, September, 19, 2017 (HOL)–Hay’adda culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hortimid, islamarkaana dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horkeeno nin u gafay Nabi Maxamed NNKH oo lagu magacaabo Cabdiwali Cali Cilmi Yare.

Tallaabada uu ku kacay shaqsigan oo la sheegay in uu ku nool yahay Gaalkcayo ayeey culimadu ku tilmaameen mid baalmarsan shareecada Islaamka meel ka dhacna ku ah Nabbigeena NNKH.

Ninkan ayaa waxaa lagu eedeeyay muuqaal sawir ah oo ku soo bandhigay magaalada Gaalkacyo uu ku sheegayay in uu yahay Nabi Maxamed (NNKH).

Akhriso Bayaanka culimada :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]