4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2017
Shirkii Baarlamaannada wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD oo la soo gabagabeeyay

 

Talaado, September, 19, 2017 (HOL) – Waxaa magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ku soo idlaaday shirkii baarlamannada wadamada ku jira Urur Goboleedka IGAD, kaasi oo Saddex maalmood ka socday halkaasi.

Dhinaca Soomaaliya shirkan waxaa ku matalayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad iyo xildhibaanno la socday.

Wax yaabaha shirkan looga hadlay waxaa ka mid ahaa amniga wadamada IGAD, tahriibka dhalinyarada, cimilada iyo saadaasha hawada waddamada IGAD iyo gudniinka fircooniga ah.

Kulankan oo ahaa kii 9-aad ayaa ugu danbeyntii waxaa laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya qaabka lagu dhimi karo mushkiladaha ka jira wadamada Urur Goboleedka IGAD ee dhaca Bariga Africa

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]