4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 19, 2017
Al-shabaab oo soo bandhigay rag u dhashay Kenya oo ay ku eedeeyeen Basaasnimo

 

Talaado, September, 19, 2017 (HOL) –Xarrakada Al-shabaab ayaa baahisay muuqaal laga duubay sadex nin oo Kenyan ah kana tirsanaa dagaalyahanada Ururka, laakiin ay ku sheegeen in ay u basaasayeen ciidamada Kenya.

Qofka ugu horeeyay sawirkiisa ay soo bandhigeen Al-shabaab ayaa ah  Cabdallahi Talaal Muuse oo 28 jir ah, kana soo jeeda magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ninkan ayaana Al Shabaab ku soo biiray sanadkii 2010-kii .

Ninkan ayaa sheegay in sanadkii 2012-kii uu l asoo xariiray nin lagu magacaabo Battaar oo ka tirsan guutada ATPU ee sirdoonka Kenya, waxa uuna xusay in ninkaasi ku tashkiiliyay in uu la shaqeeyo Sirdoonka Kenya una soo gudbiyo sawirada iyo numberada Hogaamiyaasha Al-shabaab.

Cabdi Casiis Mukayo Omambia oo ah qof labaad ee muuqaalkiisa la soo bandhigay ayaa sheegay markii uu qaatay diinta Islaamka lagu qal qaaliyay in uu Al-shabaab ku biiro uuna uga soo dhax gudbiyo Xoggo sirdoon, waxa uuna tilmaamay in uu ogolaaday arintaasi uuna Soomaaliya ku yimid howshaasi isaga iyo rag kale.

Waxaa uu sheegay in ay u suurto gali weysay howshii shaqo ee la soo diray isaga iyo rag kale, waxa uuna intaa raaciyay in ragii kale qaarkood baxsadeen kuna laabteen gudaha Kenya balse isaga lasoo qabtay xili uu doonayay in uu Kenya ku laabto.

 

Hashim Cusmaan Shelali oo ah qofka oo ka soo jeeda magaalada Mombasa, waxa qirtay in Sirdoon Caalami ah oo raadinayay xogta Nin Brtish ah oo Al-shabaab ku soo biiray.

Waxaa uu sheegay in Sirdoonka la soo xariiray ay is fahmeen uuna u gudbiyay xogo ay kaga baahnaayeen, waxa uuna intaa raaciyay in markii ugu horeesay uu ka qaatay lacag dhan $2653 dollar oo la soo dhigay Xawaalada Dahabshiil.

Eedeymahan oo dhan ah ayaa ah kuwo u gaar ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in horay marar badan oo hore ay u toogeen rag Ajaanib ah oo ka bar bar dagaalamayay kuwaa oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawaasiis ama Basaaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]