4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 19, 2017
Ra’iisal wasaare Kheyre oo la filayo in uu khudbad ka jeediyo shirka gollaha guud ee Qaramada Midoobey

 

Talaado, September, 19, 2017 (HOL) -- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ka qeybgalaya shirka gollaha guud ee Qaramada Midoobey ee maanta ka furmaya magaalada New York, ayaa la filayaa in uu gollaha ka hor jeediyo khudbad la xiriirta xaalada Soomaaliya.

Waxaa la filayaa ra’iisal wasaaraha in uu khudbadiisa diirada ku saaro wax qabadka dowladda mudadii ay jirtay, la dagaalanka Al-shabaab, dhismaha ciidamada Qaranka Soomaaliya iyo sidii loo Maalgashan lahaa dalka Soomaaliya oo ka soo kabsanaya colaad mudo dheer uu ku jiray.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Shirka golaha Guud ee QM ka horsheegi doona wixii u qabsoomay mudadii Koobneyd ee Xukumaddiisa ay jirtay.

Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre iyo wafdiga uu horkacayo ayaa marka laga soot ago shirka waxaa la filayaa in ay kulamo gooni gooni ah la qaataan madaxda caalamka ee shirka ka qeybgali doonta, iyaga oo kala hadli doona xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya iyo sidii loo kobcin lahaa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]