Talaado, September, 19, 2017 (HOL) – Shirka gollaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta
si rasmi ah uga furmi doona xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Madaxweynaha
Mareykanka Donald Trump ayaa lagu wadaa in uu khubadiisii ugu horeysay ka
jeediyo shirka sanadlaha ah ee golaha fuud ee Qaramada Midoobey.
Sarkaal
sare oo ka tirsan Aqalka Cad ayaa wariyaasha u sheegay in madaxweyne Trump uu
si xoog leh u cambaareyn doona dalalka Kuuriyada Waqooti, Iran iyo Venezuela.
Trump
wuxuu ka dalban doonaa xubnaha Qaramada Midoobay in ay ka horgataan gantaalada
baalistiga iyo hubka niyukleerka ah ee xukuumadda Pyongyang ka hor inta aysan
Kuuriyada Waqooyi noqon kuwo adag.
Wuxuu
kale oo uu ka hadli doonaa mowqifka Dowladiisa ee ku wajahan khilaafka ka
dhaxeeya maamulkiisa iyo Dowlada Iran. Iyo sidoo kale qalalaasaha siyaasadeed
ee ka taagan dalka Venezuela.
Shirkan ayaa dhinaca Soomaaliya
waxaa uga qeybgalaya wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]