Boob loo geystay ganacsato Soomaaliyeed magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Africa
Talaado, September, 19, 2017 (HOL) –Wararka ka imanaya magaalada Cape Town
ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay ay halkaa ka dhaeen rabshado raad ku reebay Soomaalida ku ganacsatada
magaalada.
Rabshadahan ayaa yimid kaddib markii Taksileyda Cape Town ka dhex
shaqaysa iyo Shirkadaha kale ee Taxi Service-ka gaar ahaan Uber ay soo
abaabuleen Dibadbax.
Waxaa la sheegay in Taksiileyda ayaa ka cabanayeen canshuurta dowladda oo
xad dhaaf ah, iyaguna ay doonayaan inay sare u qaadaan qiimaha lagu raaco
Tagaasida.
Goobihii ganacsiga Soomaalida ee magaalada Cape Town ayaa la sheegay in
leysugu darray dhac iyo in la gubo, maadaama rabshadaha ay ahaayeen kuwo xoogan
oo dad badan oo madow ah ay horkacayeen.
Weli lama oga khasaaraha hantiyadeed heerka uu gaarsiisan yahay,
waxaanan jirin khasaare nafeed, inkastoo weli ay jirto cabsi laga qabo
inay markale dhici karaan Banaanbaxyo.
Dowladda South Africa gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha war ka soo baxay
ayaa waxaa lagu sheegay in cabashadaasi deg deg wax looga qaban doono, si loo
joojiyo rabshadaha ka socda gudaha magaalada Cape Town.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]