Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Tuulada lagu magacaabo Garaash oo qiyaastii 4-KM dhinaca Koonfureed uga beegan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa galabta shil gaari oo ka dhacay waxaa ku dhintay saddex ruux.
Shilkan ayaa ka dhashay kaddib markii ay isku dhaceen gaari NOAH ah iyo mid ka mid ah gadiidka yar yare e Mootada loo yaqaano Bajaajta, kuwaasi oo ku socday si xowli ah.,
Maxamed Cabdi Sheekh guddoomiye ku-xigeenka arrimaha Siyaasada degmada Jowhar ayaa sheegay in saddexda ruux ee dhimatay labo ka mid ah yihiin Dumar.
Dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa waxaa la geeyay isbitaalka magaalada Jowhar ee xarunta si xaaladooda caafimaad loola tacaalo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online [email protected]