4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2017
Haweenay Reer Jabuuti ah oo Gaadhigii ay la socotay Oromo gadoodsan kala degeen Sawirro

 

Isniin, September,18, 2017 (HOL)- Haweenay reer Jabuuti ah ayaa sheegtay in lagala degay gaadhi ay la socotay wakhti ay maraysay deegaanka Oromadda, taas oo soomaalinimo darteed dhibaatooyin wejigeedda ka muuqda loo gaystay.

Caasha Ciise waxay ka mid ah dad safar ahaa oo la socday gaadiid, kuwaas oo Soomaalinimo darteed loogala degay gaadhigii ay la socotay, inkastoo ay sheegtay inay reer Jabuuti tahay hadana looma joojin ee baabuurkii ayaa lagala dagay kadib waxa badbaadiyey ciidamadda Fadaraalka Itoobiya, kuwaas oo usoo gudbiyey magaaladda Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

 

Caasha Ciise oo ka hadlaysa sida loola degay gaadhiga iyo dhibaatadda ay kala kulantay qoomiyadda Oormadda waxay tidhi “waxaan ka imid Jabuuti gaar ahaan xaafadda Balbala, waxaan imid Itoobiya oo aan ku socday Herer oo arrimo caafimaad u tagay markii aan ka imid oo iska soo daweeyey ayaan soo maray Haramaayo laakiin nasiib daro waxa la igala tagay baabuurkii aan la soday, waxaan u sheegay in aan reer Jabuuti ahay oo Paasaboorku ii fiisaysan yahay, layma dhagaysan, waxaanay igu yidhaahdeen ma ciidanka Soomaaliya ka tirsan tahay, ka dibna ciidankii Booliska ee Oromadda iyo shacabkoogii ayaa igu degay oo qof waliba wuxuu igu dhufan karayey wuu igu dhuftay, waxaanay ila dhaceen qof waliba waxa uu heli karayey, anigoon waxba kala garanayn oo koomo jiray waxaan is arkay uun anigoo Jig jiga joogo, markii aan idhi yaa I keenayna waxa la ii sheegay in ciidanka Itoobiya ee fadaraalku isoo badbaadiyeen, kaliya waxa la ii dilay uun soomaali baad tahay, marka dad reer Jabuuti ah way laayeen, dad reer Somaliland ah way laayeen waxba umay aabo yeeleen oo SOomaali markay arkaan way dilayaan, wixii aan sitay oo dhan way qaateen hadiii ay Pasboor tahay, haday dharkii tahay iyo haday dhegihii aan xidhnaa tahay way iga furteen.”

 

Sidoo kale, waxa iyaguna warbaahinta la hadlay dad kale oo reer Jabuuti ah oo iyaguna sheegay in gaadiidka lagala degay, qaarkood markii ay galeen saldhig ciidan in dib loogu soo celiyey dadkii dilayey, taas oo ay soo badbaadiyeen Ciidamada Fadaraalka Itoobiya.

Dhinaca kale, dawladda Fadaraalka Itoobiya ayaa wadda hawlgalo lagu nabadeynayo deegaanada, waxaana si toos ah la isku soo hor fadhiisiyey labada madaxweyne ee labadda kilil Oromo iyo Soomaaliya, kuwaas oo Addis Ababa ku kulmaya, hasse ahaatee hore ayaa sidan oo kale la iskugu keenay oo lagu heshiisiiyey, balse hadana heshiishkaaasi muu hirgalin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.