4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2017
Guddoomiyaha baarlamaanka oo magacaabay guddi soo baara Kiiska Qalbi Dhagax [Magacyada Guddiga]


Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa magacaabay guddiga ka kooban 15 xubnood oo baaritaan ku sameyn doona Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax iyo go’aankii ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya.

Guddigaan ayaa ka shaqeyn doono sidii warbixin buuxda loogu keeni lahaa golaha shacabka isla markaana baaris dheer oo cad loogu sameyn lahaa qodobada ay xukuumada Soomaaliya u adeegsatay Dhiibista C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.

Xog-hayaha guud ee golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa xildhibaanada ka hor aqriyay magacyada iyo hab raac magacaabista guddigaan.

Sidoo kale xog-hayaha ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay shaqooyinka ay qabanayaan guddigaan iyo maalinta laga rabo iney warbixin usoo gudbiyaan golaha Shacabka.

Akhriso Magacyada guddiga :

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]