4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2017
Howlgal dad badan lagu qabqabtay oo xalay laga sameeyay magaalada Muqdisho

 

Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Howlgalka oo ahaa mid sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada lagu xaqiijinayo amniga ayaa laga sameeyay xalay qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafaddaha degmada Warta Nabada Ex War-dhiigley.

Ciidamada ayaa howlgalkooda ku bartilmaameedsaday gadiidka iyo guryaha oo baaritaanno xoog leh ay ka sameeyeen, iyadoo lagu soo qab qabtay rag u badnaa dhalinyaro.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada ay dhalinyarada ay qabteen sii daayeen, halka qaarkood ay horay u wateen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan howl galkii xalay ee dadka faraha badna lagu qabtay.

Magaalada Muqdisho ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay waxaa ku soo xoogeysanayay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo aan la garaneynin, waxaana la baadii cisho ee la soo dhaafay oo kaliya siyaabo kala duwan loogu dilay caasimada tiro ka badan 5 ruux oo qaarkood ka tirsanaa dowladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]