4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2017
Weerar lagu dilay haweeney guddoomiye waaxeed aheyd oo ka dhacay Muqdisho

 

Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa subaxnimdii hore ee saakay toogasho ku dilay Haweeney Guddoomiye laameed ka aheyd degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa sheegay in raggan gurigeeda ugu galleenHaweeneydan oo lagu magacaabi jiray Foos Maxamed Xusseen, kadibna ay dhowr xabadood kaga dhifteen qeybaha sare ee jirkeeda

Waxaa sidoo kale weerar lagu dilay haweeneydan ku geeriyootay gabar yar oo afar jir aheyd oo lagu magacaabayay Rayaan Cumar.

Haweeneydan ayaa noqoneysa qofkii 3aad ee laga dilo Laanta ay madaxda ka aheyd ee ka tirsan degmada Xamar jajab, waxaana la sheegay in labadii Guddoomiye ee ka horeysay la dilay.

Weerarkan lagu dilay haweeneydan ka mid ah mas'uuliyiinta degmada Xamar-Jajab ayaa qeyb ka noqonaya weeraro is daba joog ah oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay degmooyinka gobolka Banaadir.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]