4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2017
Galmudug oo sheegtay in wali ay taagan tahay saameynta abaartii ku dhufatay dalka

 

Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in weli ay jirto saameynta ay yeelatay Abaartii ku dhufatay dalka, loona baahan yahay in la helo gargaar.

Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo arrimaha bani’aadanimada maamulka Galmudug Mahad Maxamuud Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay shacabka reer Galmudug in xoolohoodii ay ku waayeen Abaaraha, muhiimna ay tahay in ay helaan gargaar dadka ay abaaraha ay saameeyeen.

Waxaa uu sheegay wasiir Mahad in il gaar ah lagu fiiriyo Galmudug, maadaama shacabkeeda ay isugu darsameen abaar iyo colaad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Gargaarka ayuu ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan shacabka reer Galmudug, si loo badbaadiyo dadka ay Abaaraha saameeyeen.

“Waxaan codsi u gudbineynaa dowladda iyo hay’adaha gargaarka, oo ah in ay u soo gurmadaan shacabka reer Galmudug oo Abaaraha ay saameeyeen, abaaro iyo colaado ayaa isugu darsamay, fiiro gaar ah Galmudug in loo yeesho ayaan dalbaneynaa.” ayuu yiri Mahad Maxamuud.

Qeybo badan oo ka dalka Soomaaliya ah ayaa bilihii ugu danbeeyayba waxaa saameyn weyn ku yeeeshay Abaar galaafatay dadka iyo duuniyada ku dhaqan deegaanno kala duwan oo dalka ka mid ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]