3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2017
Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan yeelanaya

 

Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta gollaha shacabka sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah xubnaha gollaha baarlamaanka.

Kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada golaha shacabka ayaa ajandihiisu waxaa uu yahay Akhrinta koobaad ee Hindise Sharciyeedyada Waxbarashada iyo Biyaha oo ka mid ah 10 hindise Sharciyeedyo oo ay soo meel mariyeen golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya 13ki bishaana loo qeybiyay xildhibanada golaha shacabka ee Soomaaliya.

Sidoo kale xubnaha golaha shacabka horyaalla arrinta Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax” oo Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay Itoobiyo, kaddib markii gudddoonka baarlamaanka uu sheegay in arintaa loo saarayo guddi gaar ah.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hor yaala Hindise sharciyeedyo dhowr ah oo u baahan in la meel mariyo, hasse ahaatee waxaa muuqata in todobaadyadii ugu danbeeyay xildhibaannadu siweyn ugu mashquuleen go’aankii xuuumada ay ka gaartay Qalbi Dhagax iyo Ururka ONLF oo aad moodo in walba xildhibaannadu isla meel dhigin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/18/2017 11:25 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Tuulada lagu magacaabo Garaash oo qiyaastii 4-KM dhinaca Koonfureed uga beegan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa galabta shil gaari oo ka dhacay waxaa ku dhintay saddex ruux.

9/18/2017 11:11 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Maalintii labaad ayaa magaalada Laascaanood waxa socda kacdoon ay samaynayaan dadka ka ganacsada Qaadka ama Jaadka kadib markii qiimaha cashuurta kor loo qaaday.

9/18/2017 8:42 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Ra’iisul xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka anbabaxay magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

9/18/2017 7:22 AM EST
Isniin, September,18, 2017 (HOL)- Haweenay reer Jabuuti ah ayaa sheegtay in lagala degay gaadhi ay la socotay wakhti ay maraysay deegaanka Oromadda, taas oo soomaalinimo darteed dhibaatooyin wejigeedda ka muuqda loo gaystay.

9/18/2017 6:26 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa magacaabay guddiga ka kooban 15 xubnood oo baaritaan ku sameyn doona Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax iyo go’aankii ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya.

9/18/2017 5:09 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Maamulka Koonfur galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa qoraal uu soo saaray ku taageeray isbaheysiga Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, iyagoo sheegay in go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada khaliijka in aan laga tixgelin, islamarkaana lagala tashan.

9/18/2017 4:22 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Howlgalka oo ahaa mid sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada lagu xaqiijinayo amniga ayaa laga sameeyay xalay qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafaddaha degmada Warta Nabada Ex War-dhiigley.

9/18/2017 4:07 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa subaxnimdii hore ee saakay toogasho ku dilay Haweeney Guddoomiye laameed ka aheyd degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

9/18/2017 2:09 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in weli ay jirto saameynta ay yeelatay Abaartii ku dhufatay dalka, loona baahan yahay in la helo gargaar.

9/18/2017 1:37 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Xaaska ra’iisal wasaarihii xilka laga qaaday ee Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa ku guuleystay doorashada ku celiska ahayd ee ka dhacday magaalada u kasoo jeedo ee Lahore.

9/18/2017 1:26 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaraaha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa markii ugu horeysay ka hadlay rabshadaha sababay dhimashada baahsan ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaana uu tilmaamay in uu ka xun yahay qalalaasaha dhexmaray dadka rayidka ah.