3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 18, 2017
Xaaska ra'iisal wasaarihii xilka laga qaaday ee dalka Pakistaan oo ku guuleysatay doorasho ku celis aheyd

 

Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Xaaska ra’iisal wasaarihii xilka laga qaaday ee Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa ku guuleystay doorashada ku celiska ahayd ee ka dhacday magaalada u kasoo jeedo ee Lahore.

Natiijada hordhaca ayaa muujinaysa in Kulsoom Nawaz ku horeys shan iyo tobban kun oo cod.

Doorashada ayaa la qabanayaa kaddib markii maxkamadda ugu sarreysa dalkaasi aya musuqmaasuq ku xukuntay Nawaz Sharif laashayna joogitaankiisa xafiiska.

Maxkamadda ugu sarreysa Pakistan ayaa xilka ka qaadday Sharif kaddib markii lagu eedeeyay in qoyskiisa ay ku lug leeyihiin shirkado ajnabi ah.

Sharif ayaa mar walba beeninayey eedeymahaasi, balse maxkamadda ayaa laashay isku dayo lagu doonayay inay dib u eegto go`aankeeda.

Xisbiga talada dalkaasi haya ee PMLN ayaa sheegaya in guushani ay cadeyn u tahay in shacabka Pakistan rumeysanyihiin in Nawaz sharif uu dhibane u noqday shirqool siyaasadeed.

Kulsoom Nawaz, waxay haatan magaalada London ugu maqan tahay daaweyn cudurka kansarka ah, waxaanay ku guulaysatay 61,254 cod oo waxay musharaxii ugu soo dhawaa kaga badisay 14,188 oo cod.

BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/18/2017 11:25 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Tuulada lagu magacaabo Garaash oo qiyaastii 4-KM dhinaca Koonfureed uga beegan magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe ayaa galabta shil gaari oo ka dhacay waxaa ku dhintay saddex ruux.

9/18/2017 11:11 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Maalintii labaad ayaa magaalada Laascaanood waxa socda kacdoon ay samaynayaan dadka ka ganacsada Qaadka ama Jaadka kadib markii qiimaha cashuurta kor loo qaaday.

9/18/2017 8:42 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Ra’iisul xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka anbabaxay magaalada Muqdisho iyaga oo ku sii jeeda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

9/18/2017 7:22 AM EST
Isniin, September,18, 2017 (HOL)- Haweenay reer Jabuuti ah ayaa sheegtay in lagala degay gaadhi ay la socotay wakhti ay maraysay deegaanka Oromadda, taas oo soomaalinimo darteed dhibaatooyin wejigeedda ka muuqda loo gaystay.

9/18/2017 6:26 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa magacaabay guddiga ka kooban 15 xubnood oo baaritaan ku sameyn doona Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax iyo go’aankii ka soo baxay xukuumadda Soomaaliya.

9/18/2017 5:09 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Maamulka Koonfur galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa qoraal uu soo saaray ku taageeray isbaheysiga Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka, iyagoo sheegay in go’aankii dowladda Federaalka ka qaadatay xiisada khaliijka in aan laga tixgelin, islamarkaana lagala tashan.

9/18/2017 4:22 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Howlgalka oo ahaa mid sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada lagu xaqiijinayo amniga ayaa laga sameeyay xalay qeybo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafaddaha degmada Warta Nabada Ex War-dhiigley.

9/18/2017 4:07 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa subaxnimdii hore ee saakay toogasho ku dilay Haweeney Guddoomiye laameed ka aheyd degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.

9/18/2017 2:09 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Maamulka Galmudug ayaa sheegtay in weli ay jirto saameynta ay yeelatay Abaartii ku dhufatay dalka, loona baahan yahay in la helo gargaar.

9/18/2017 1:54 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) – Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta gollaha shacabka sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah xubnaha gollaha baarlamaanka.

9/18/2017 1:26 AM EST
Isniin, September, 18, 2017 (HOL) - Ra’iisul wasaraaha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa markii ugu horeysay ka hadlay rabshadaha sababay dhimashada baahsan ee u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, waxaana uu tilmaamay in uu ka xun yahay qalalaasaha dhexmaray dadka rayidka ah.