Axad, September, 17,
2017 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo maanta
booqday xarunta Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Sugaanta ee magaalada Muqdisho
ayaa sheegay in ay jiraan dad ka soo horjeeda hormarka umadda Soomaaliyeed iyo
dowladda intaba ku tallaabsadeen.
‘’Maata dad baa diidan hormarka umadda Soomaaliyeed, waxaad
ogaataan wax kasta oo wanaagsan oo la qabanayo maanta dad beysan u muuqan Karin,
qaarkeen waa in ay u muuqtaan waxa dadka kale aysan u muuqan, xukuumada iyo dowladda uu hogaamiyo Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo waxaa u muuqda wax badan oo mustaqbalka aad arki doontaan’’
ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre oo khudbad ka jeedinayay xarunta
Akadeemiyadda Cilmiga Fanka iyo Suugaanta.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ee uu xilka la
wareegay wuxuu soo saaray wareegto ku aadaneyd in dhammaan Hay’adaha Dowladda
ay ahmiyadda koowaad siiyaan Afka Soomaaliga, waxaana xarunta Akadeemiyadda
lagu tilmaamaa meelaha laga nooleeyo ama laga kobiyo afka Soomaaliga.
Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa imanaya xili waayadii ugu danbeeyayba
dowladda ay wajaheysay mucaaradad xooggan oo uga imaneysa siyaasiyiin iyo
aqoonyahanno Soomaaliyeed oo siweyn uga dhaliilay tallaabadii ay Itoobiya ugu
gacangalisay sarkaal la sheegay in uu ka tirsanaa Ururka ONLF oo lagu magacaabo
Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]