4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2017
Madaxweyne Farmaajo oo Villa Soomaaliya kula kulmay Qorayaal Soomaaliyeed

 

Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay xalay Qorayaal Soomaaliyeed oo ka qeybgalay bandhigga Buugaagta Muqdisho 2017.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadiyad ahaan loo guddoonsiiyey buugaag iyo farshaxanno lagu soo bandhigay Carwada Buugaagta muddadii sadexda maalmood ah oo ay furnayd.

Qorayaasha la kulmay madaxweynaha ayaa la wadaagay caqabadaha ku xeeran wax qorista iyo soo bandhigiddeeda, iyagoona uga mahadceliyey madaxweynaha dhiiri- galinta uu u sameeyey.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu danbeyntii kula dardaarmay qorayaaasha in ay sii wadaan dadaalkooda maadama wax qoristu ay aasaas u tahay nolasha.

Sidoo kale madaxweynaha waxaa uu bogaadiyey dadkii soo abaabulay Carwada iyo dadaalkii dheera oo ay ku bixiyeen sidii ay bulshadooda ugu adeegi lahaayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]