4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2017
Shan carruur oo walaalo ah ayaa ku geeriyootay dab ka kacay xero barakac oo ku taal Kismaayo [SAWIRRO]


Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Ilaa shan carruur oo walaalo ah ayaa geeriyootay sedex qof oo kale oo ay ku jirto hooyo da' ahna dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu dab ka kacay xerada barakacayaasha dalxiiska ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay ku noolaayeen qoysas danyar ah.

Dabkan oo aan la garaneyn waxa sababay ayaa la sheegay in uu ka kacay guri ay daganaayeen qoyska ay waxyeelada soo gaartay, ayadoo ay ku nafwaayeen shan carruur ah oo isugu jiray 3 wiil iyo 2 gabdhoo oo walaalo ah oo ay da'doodu dhexeeysay 10 jir ilaa shan sano jir.

"Carruurta guriga ayay ku jireen, hooyadood guriga ayay kor uga xiri jirtay si ay ugu soo shaqeeyso, dhar ayay soo dhaqi jirtay, galbihiina way soo laaban jirtay," ayuu yiri Axmed C/laahi isagoo intaa ku daray in ka heleen dabka oo xoogeystay, ayna bilaabeen sidii ay ku damin lahaayeen.

Xilligii uu dabku kacayay ayaa la sheegay in ay guriga ku sugnaayeen carruurta geeriyootay oo qura, oo ay hooyadood kor ilbaabka kaga xirtay.

Dabka ayay sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay sedex qof oo kale oo daganaa guryaha ku dhow dhow halka uu dabku ka kacay.

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubaland Max'uud Sayid Aadan oo goobta gaaray ayaa tacsi u diray ehelka carruurtii ku dhimatay dabka, isagoo sheegay in ay caawin doonaan qoysaska ay carruurtoodu ku le'atay dhacdadan masiibada ah iyo kuwa kale ee ay waxyeelada soo gaartay.

Xerooyinka ay daganyihiin qoysaska barakacayaasha ah ee magaalada Kismaayo ayaa ah kuwo u nugul dabka, madaama ay yihiin guryo ka sameysan cooshado oo isku raran ah islamarkaana uu si fudud dab uga kici karo.

Dhinaca kale, magaalada Kismaayo malahan gaadiid dab damis ah oo ka hortaga faafidda qatarta dabka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.