4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2017
Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya oo gaaray New York
 
Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Wafdigan uu horkacayay Wasiirka wasaaradda arimaaha dibadda dowladda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareeykanka, ayadoo wafdigan uu hordhac u yahay wafdi kale oo uu hogaaminayo Raysul wasaare Xasan Cali Khayre oo gaari doona dalkaasi.

Wasiirka arimaha dibadda dalka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubnaha uu hogaaminayo ee gaaray Mareeykanka ay hordhac u yihiin wafdi uu hogaaminayo raysul wasaaraha oo la filayo in ay tagaan dalkaasi si ay uga qeybgalaan shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka dhici doona Mareeykanka.

Yuusuf Garaad Cumar ayaa bartiisa Facebooka ku soo qoray in wafdi ka kooban wasiiro oo uu hogaaminayo ay gaareen Newyork, isagoo sheegay in xubnaha la socda isaga iyo wafdi kale oo ku biiri doona oo uu horkacayo ra'iisal wasaaraha ay ka qeyb-gali doonaan shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay oo madaxda caalamka sanadkiiba mar isugu yimaadaan.

Shirkan oo markii hore la filayay in uu ka qeybgalo madaxweeynaha dalka Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo ayuu raysul wasaare Khayre ka qeybgali doonaa, kadib markii uu ka baaqday Madaxweynaha.

Yuusuf Garaad ayaa sheegay in kulamo gooni gooni ah ay maanta la qaadan doonaan qaar kamid ah madaxda kasocota dalalka caalamka ee ay Soomaaliya xiriirka leeyihiin.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa dhinaca kale la filayaa in uu dalkaasi uga qeybgalo shir ay dowladda Mareeykanku sanadkiiba mar la yeelato madaxda dalalka Muslimka ah, kaa oo looga hadli doono sidii Mareeykanka iyo dowladaha Islaamku isaga kaashan lahaayeen dhinaca ammaanka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.