4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2017
Madaxweynaha Jubaland oo booqday xerada tababarka ciidamada Jubaland ee Doolow [SAWIRRO]


Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Wafdigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Jubaland ee ku sugnaa gobolka Gedo ayaa booqday xerada lagu tababaro ciidamada Daraawiishta Jubaland ee degmada Doolow, halkaa oo ay tababarro uga socdeen ciidamada ka tirsan Jubaland.

Madaxweynaha ayaa booqashada waxaa ku wehlinayay wasiirka amniga Mudane C/rashiid Xasan Cabdi Nuur, Wasiirka arimaha gudaha Jubaland Max’ed Warsame Darwiish, Afhayeenka Jubaland C/naasir Seeraar Maax iyo saraakiil kale.

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay wasiirka amniga Jubaland oo sheegay in xeradan ay tahay mid lagu tababaro ciidamada daraawiishta Jubaland, isagoo sheegay in ciidamo badan ay halkan ku tababarteen haatanna ay tababarro uga socdaan boqollaal kale.

Madaxweynaha Jubaland oo qudbad ka jeediyay goobta ayaa ku booriyay ciidamada in ay u dhabar adeygaan tababarrada adag ee la siinayo, isagoo kula dardaarmay in ay ka dhabeeyaan hadafka ay xerada u yimaadeen oo uu xusay in uu yahay difaaca shacabka.

Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in ciidamadu ay heli doonaan dareeska ciidanka iyo agab kale ee ay u baahanyihiin inta uu tababarka socdo, isagoo sidoo kale sheegay in ay xoogga saari doonaan sidii ay ku heli lahaayeen qalabkii ay ku howlgeli lahaayeen marka ay tababarrada usoo idlaadaan.

“Waxaa la idinka doonayaa in aad gobolka isku furtaan, oo kooxaha nabad diidka ah ee weerarrada soo qaada aad adinku raadsataan, meeshii lagu sheegana ugu tagtaan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisii raaciyay.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ciidamada in ay ka faa’iideystaan taageerada shacabka, isagoo yiri “Shacabka ayaa idin taageersan, kooxahan naga soo horjeeda taageerada ay shacabka ka helaan waa mid qasab ah.”

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa gobolka waxa uu booqday degmada Baladxaawo isagoo sidoo kale kulamo kala duwan la qaatay qeybaha bulshada ee ku dhaqan degmooyinka Doolow iyo Baladxaawo ee gobolkaasi Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.