4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 17, 2017
Al-shabaab oo weeraray deegaanka Kala-Beyr ee gobolka Hiiraan

 

Axad, September, 17, 2017 (HOL) – Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa Aroornimadii hore ee saakay weerar ku qaaday deegaanka Kala-Beyr ee gobolka Hiiraan oo ah Koontaroolka ugu weyn gobolka.

Taliyaha ciidamada booliiska gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in iska horimaad halkaa ka dhacay lagu dilay Afar Askari oo ka tirsanaa ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka oo sida uu hadalka u dhigay iska caabiyay weerarka lagu soo qaaday.

‘’Afar Askari ayaa weerarka ku dhintay kaddibna dib ayeey uga baxeen deegaanka, waxaana hadda ku maqan ciidamo ka tirsan dowladda’’ ayuu yiri taliyaha ciidamada booliiska.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Al-shabaab mudo kooban la wareegeen gacan ku heynta Kala-Beyr oo idhahooda ay ku arkeen iyaga oo dhaxmaraya deegaanka.

Kantaroolka Kala-Beyr wuxuu u dhow yahay xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, waana isha ugu weyn ee dhaqaalaha uu ka soo galo maamulka gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]