3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2017
Dil caawa ka dhacay degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir

 

Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya toogasho caawa ka dhacday degmada Dherkeenley ee gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay toogteen mid ka mid ah ciidamada dowladda oo la sheegay in uu la socday qof rayid ah oo ka shaqeysta Sarifka lacagaha, kuwaa oo la sheegay in labaduba ay ku geeriyoodeen isla goobta.

Ragga la dilay ayaa lagu kala sheegay Jeeri Maxaa Raaf, oo ahaa Askariga iyo Maxamuud Siyaad oo ahaa qofka Sariflaha ahaa la socday Askariga ,waxaana la sheegay in dadkii ka dambeeyay dilka ragaas ay goobta ka baxsadeen.

Ma jirto cid faah faahin intaas dheer ka bixisay dilka ragaas,waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo caawa howlgallo ka wada xaafadda Kaawa Godeey qeybta degmada Dharkenley oo uu caawa dilka ka dhacay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/16/2017 12:13 PM EST
Sabti, September,16, 2017 (HOL)- Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqday Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyadda Hooose/dhexe iyo dugsiyadda Sare.

9/16/2017 10:40 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Ciidamada amaanka dalka Britain ayaa sheegay in la qabtay nin dhalinyaro nin18 jir kaasi oo la tuhunsan yahay in uu ka dambeeyay qarax lala beegsaday mid ka mid ah Tareenada mara dhulka hoostiisa mara, ee magaalada London.

9/16/2017 9:43 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Donal Trump uu la kulmayo maalinta Talaadada Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Bin Xamda Al Thaani, xilli magaalada New york uu ka furmayo Shirka Golaha loo dhan yahay ee QM.

9/16/2017 8:31 AM EST
Sabti, September,16, 2017 (HOL)- Aqoonyahan Dr:Xuseen Cabdilaahi Bulxan ayaa ka warbixiyey shir Turkiga ka dhacay oo ay isku soo hor fadhiisteen aqoonyahano ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya oo aqoonyahano Turkiga ahina goob joog ka ahaayeen.

9/16/2017 8:23 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL)– Waxaa daqiiqado ka hor la soo gabagabeeyay doorashadii madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyadoo doorashada madaxweynaha uu ku guuleystay Maxamed Cabdi Waare.

9/16/2017 7:14 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Wareegii hore ee doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa goor dhaw soo dhamaantay, waxaana wareega labaad isugu soo haray Labo musharax.

9/16/2017 5:40 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Xarunta doorashada Hirshabeelle ayaa waxaa goor dhaw ka bilaabatay codbixinta doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ay ku tartamayaan 8 musharax.

9/16/2017 4:44 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Waxaa soconaya diyaargaroowgii ugu danbeeyay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe.

9/16/2017 3:52 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) -Xaaladda magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa kacsan kadib markii ay saaka gudaha u galeen Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo weerar qorsheeysan ku qaaday.

9/16/2017 1:33 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) - Madaxweynaha dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya Cabdi maxamuud Cumar, ayaa sheegay in ciidamada maamulka soo badbaadiyeen sida uu hadalka u dhigay 300 oo ruux Soomaali oo ay sida uu sheegay la damacsanaa in lagu laayo deegaanka Oromada.

9/16/2017 1:23 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) - Weerar culus oo loo adeegsaday qaraxyo iyo hubka noocyadiisa kala duwan oo Aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ay ku qaadeen Ceel-Waaq kaddib ayeey u suurtagashay in ay la wareegaan guud ahaanba gacan ku heynta degmada.

9/16/2017 1:09 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Aroornimadii hore ee saakay ka dhacay weybo ka mid ah degmooyinka Deyniile iyo Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Haanta-dheer xeradii ciidamada 77 illaa difaaca cirka.

9/16/2017 12:55 AM EST
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Iyadoo maanta lagu wado magaalada Jowhar in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle, ayeey dhinaca kale sheegtay dowladda Soomaaliya in ay dhaxdhaxaad ka tahay dhinacyada ku tartamaya doorashada.