4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2017
Wasaaradda waxbarashada Somaliland oo shaacisay natiijadii Imtixaanka shahaadiga

 

Sabti, September,16, 2017 (HOL)- Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqday Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyadda Hooose/dhexe iyo dugsiyadda Sare.

Wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habanne ayaa sheegay inay dagaal la galayaan qishka iyo ardayda caadaystay, waxaanu sheegay inay Somaliland guul u tahay tayeynta waxbarashadda ee labaddii sanadood ee u dambeeyey ay gaadhay.

Sidoo kale,waxa uu sheegay in ardayda dhacday sanadkan in afar bilood casharo loo dhigayo ka dibna imtixaan qaran laga qaadi doonna.

Gudoomiyaha imtixaanka qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax ayaa isna sheegay in ardaydan dhacday u badan yihiin kuwii maadooyinka laga kansalay ee lagu qabtay qishka iyo kuwii Moobiladda ku qishayey, haseyeeshee dhicitaanku aad u yaraa, balse marka la isku daray kuwo qishka lagu qabtay iyo kuwo dhacay ay kordhinayso tiradda aan gudbin ee imtixaanka waayey.

“dugsiyadda dhexe ee imtixaanka u fadhiistay waxay dhamaayeen 16,512 Arday, waxaana gudbay afar iyo toban kun afar boqol iyo toddobaadan iyo afar Arday, halka ay hadheen kun iyo sideed boqol iyo lix arday”ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faraax oo ka hadlayey imtixaanka dugsiga dhexe.

Mar kale isagoo shaacinaya dugsiga sare ardaydii u fadhiisatay imtixaanka waxa uu yidhi “ dugsiga sare waxa imtixaanka u fadhiistay toban kun iyo sideed iyo sagaashan arday, waxa imtixaanka gudbay 7,597, halka ay dhaceen ama waayeen 1,711 arday.”

mar uu ka hadlayey waxa dhicitaanka sanadkan badiyey waxa uu yidhi “ waxaanu samaynay olole balaadhan oo lagaga hortagayo qishka, waxaana doonayna inaanu Somaliland ku soo celino sidii ay ahaan jirtay, ardayda toos u dhacday waxay ahayd boqol iyo dhawr iyo konton arday, balse waxa badan ardaydii aanu maadooyinka ka kansal garaynay ee lagu qabtay Qishka ama moobilke ku qishayey ee moobilka ka qaadnay, iyo qaar kale oo marka qof qishaya imtixaanka laga saarayo buuqa abuurayey ee la baxayey ayey u badan yihiin kuwan dhacay”

 

Dugsiyadda sanadkan ugu cadcadaa waxa ka mid ahaa guuladda Shansha Cadde, Damar Xagale, Taalo buur, Moderan, Xuseen miigane, Barkadda, Qoryaalle, Maxamuud Ugaas iyo Geeska oo intoodda badan ku yaalaan goboladda Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo Awdal.

Halka dugsiyadda sare kaalmaha hore ay galeen dugsiga Qoryoole Togdheer, Qorilugud Buuhoodle, Gab oo ku yaalla gobolka Awdal, Hadaaftimo oo uu hoos yimaado Badhan, Saacadadiin gobolka Selel, Badhan iyo Al Nuur oo Awdal ah.

Dhinaca kale, ardaydii dugsiyada sare ee dhacday ayaa maanta mudaharaad la hor yimid wasaaradda waxbarashadda, waxaanay shiid la dhaceen wasaaradda, iyagoo muddo boodhadhkii iyo wasaaradaha shiidh hadhka kaga dhigay, haseyeeshee Booliska ayaa rasaas ay cirka u ridayeen ku kala dareeriyey.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.