Nin dhalinyaro ah oo loo qabtay weerarkii Treenka dhulka hoostiisa mara ee magaalada London
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Ciidamada amaanka dalka Britain ayaa sheegay
in la qabtay nin dhalinyaro nin18 jir kaasi oo la tuhunsan yahay in uu ka
dambeeyay qarax lala beegsaday mid ka mid ah Tareennada mara dhulka hoostiisa
mara, ee magaalada London.
Ninkaan ayaa hadda lagu hayaa xarun ay booliska leeyihiin waxaana ku socda
baaritaan sida ay sheegeen laamaha ammaanka.
Booliska ayaa sheegay in qabashada ninkaan ay suura-gashay markii ay
wareysteen goob-joogayaal islamarkaana ay baahiyeen Sawiradda iyo muuqaalada rag
uu ka mid yahay ninka la qabtay.
Ma jirto wax dhimasho ah oo lasoo wariyay hasse ahaatee, 30 qof ayaa ku
dhaawacmay qaraxaasi oo shalay lala eegtay tareenka.
Hay’addaha ammaanka Britain ayaa sare
u qaaday heerka feejignaanta iyo suggida ammaanka, kadib markii ay sheegeen in
ay dhici karaan weeraro kale oo araggaixiso.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]