4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2017
Labo musharax oo isugu soo hartay wareegii labaad ee doorashada madaxweynaha Hirshabeelle

 

Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Wareegii hore ee doorashada madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa goor dhaw soo dhamaantay, waxaana wareega labaad isugu soo haray Labo musharax.

Wareega hore ayaa waxaa isugu soo haray Maxamed Cabdi Waare oo doorashada ku hogaaminaya 44 cod,  halka Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 20 cod, waxaa wareegan ka tanaasulay musharixiinta kala ah Cabdinaasir Xaaji Shirwac iyo Cabdi Faarax Laqanyo oo wareega hore helay min 6 cod.

Afarta musharax ee kale ayaa codadka u kala helay Yuusuf Axmed Hagar Dabageed 1 cod, iyo Cabdikariin Cali Nuur oo helay 2 cod, halka Cabdiraxmaan Xusseen Cadoow iyo Maxamed Caruush Diiroow wax codad ah ka helin wareegii koowaad ee doorashada.

18 cod ayuu sheegay guddoonka baarlamaanka in ay xumaadeen, waana codadkii ugu badnaa inta la xasuusto oo mar kaliya xumaado doorasho noocan oo kale.

Wareegii labaad ee ayaa loo gudbay oo isugu soo hareen Maxamed Cabdi Waare iyo Daahir Cabdulle Cawaale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]