4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2017
Faah faahin ku saabsan xaaladda degmada Ceelwaaq oo ay saakay la wareegeen Al-shabaab
 
Sabti, September, 16, 2017 (HOL) -Xaaladda magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa kacsan kadib markii ay saaka gudaha u galeen Maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo weerar qorsheeysan ku qaaday.

Sida ay shabakadda HOL u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay, dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo aad u qalabeeysan ayaa saaka aroortii la wareegay gacan ku heynta degmada Ceelwaaq kadib markii ay magaaladaasi isaga baxeen ciidamadii ku sugnaa oo ka warhayay duulaanka qorsheeysan ee lagu soo qaaday.

Gudoomiyaha gobolka Gedo Max’ed Muxumed Max’ed oo shabakadda HOL uga warbixisay xaaladda magaalada Ceelwaaq ayaa sheegay in Al-shabaab ay gudaha u galeen magaalada, ciidamadii ku sugnaana ay xeelad Militari uga baxeen, isagoo xusay in ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka ay haatan ku suganyihiin duleedka magaalada ayna socdaan dadaallo dib loogu qabanayo degmadaasi.

“Saakay ayay weerar kusoo qaadeen degmada, ciidamadeenuna xeelad Militari ayay uga baxeen, haatanna magaalada way haawaneeysaa, ciidamadeenuna waxay ku suganyihiin duleedka magaalada, goor dhowna gudaha ayay u gali doonaan,” ayuu gudoomiyaha hadalkiisii raaciyay.

Gudoomiyaha oo aan weeydiinay in uu jiro khasaare ciidamadooda kasoo gaaray weerarka ayaa yiri “Ma jiro wax khasaare ah oo nasoo gaaray, balse waa suurogal in kooxda Shabaab ay dad shacab ah waxyeelo ugu geeysato magaalada,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Mar aan wax ka weeydiinnay sababta keentay in ay ciidamadoodu magaalada ka baxaan ayaa sheegay in ay mudooyinkii u danbeeyay ay socdeen dadaallo lagu xoojinayo ciidamada ku sugan aaggaasi, haatanna aysan jirin caqabad kale, ciidamo dheeri ahna ay geyn doonaan degmadaasi.

Degmada Ceelwaaq ayay marar badan iska horimaadyo ku dhex mareen Al-shabaab iyo ciidamada dowladda iyo kuwa dowlad goboleedka Jubaland.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa la sheegay in ay daganyihiin meel in ka badan 50KM u jirta magaalada.

Ilo madax bannaan ayaa shabakadda HOL u xaqiijiyay in Al-shabaab ay magaaladaasi kala baxeen inta badan ciidamadooda iyo gaadiidka dagaalka balse weli ay jiraan maleeyshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku sugan magaalada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland ayaa ku sugan duleedka magaalada, waxaana suurogal ah in ay waqti walba gudaha u galaan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.