4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2017
Al-shabaab oo la wareegay gacan ku heynta degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo

 

Sabti, September, 16, 2017 (HOL) - Weerar culus oo loo adeegsaday qaraxyo iyo hubka noocyadiisa kala duwan oo Aroornimadii hore ee saakay Al-shabaab ay ku qaadeen Ceel-Waaq kaddib ayeey u suurtagashay in ay la wareegaan guud ahaanba gacan ku heynta degmada.

Wariye ku sugan gobolka Gedo oo lagu magacaabo Jamaal Xusseen Yuusuf ayaa sheegay in gadiidka dagaalka Al-shabaab subaxnimadii hore ee saakay gudaha u galeen degmada, iyaga oo weerar isugu jira qaraxyo iyo mid toos ah ku qaaday saldhiga iyo xarunta degmada oo sida uu wariyuhu sheegay bur bur xoogan soo gaaray.

Dadka shacabka ah ee ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in gacan ku heynta degmada la wareegeen Al-shabaab waxaana la sheegay in ciidamadii halkaa ku sugnaan u firxadeen dhinaca xadka Kenya.

Guddaha magaalada ayaa lagu arkayaa gadiidka dagaalka iyo xoogag aad u heysan oo ka tirsan Al-shabaab oo gaafwareegaya xaafaddaha ay degmada ka kooban tahay. 

Weerarkan oo ahaa mid culus ayaa imanaya xili madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland uu ku sugan yahay degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo oo booqasho uu ku marayo.

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]