4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2017
Dagaal culus oo magaalada Muqdisho ku dhaxmaray ciidamo ka wada tirsan dowladda

 

Sabti, September, 16, 2017 (HOL) - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Aroornimadii hore ee saakay ka dhacay weybo ka mid ah degmooyinka Deyniile iyo Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Haanta-dheer xeradii ciidamada 77 illaa difaaca cirka.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dagaalkan ay qaadeen ciidamada xasilinta caasimada, iyaga oo weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada ku labisnaa dareyska militariga.

G/dhexe C/llaahi Faarax Siyaad oo ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay subaxnimadii hore ee saakay weerar lagu soo qaaday islamarkaana aysan ogeyn ujeedka lagu weeraray.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu geystay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadka rayidka ah,balse ma jirto cid wali xaqiijisay tirada dhimashada iyo dhaawaca intaba.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale caasimada ugu dagaalamaan ciidamada xasilinta iyo kuwa militariga Soomaaliya,

Wixii ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa…

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]