4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 16, 2017
Wasiir Juxa : Musharax aan taageersannahay ma jiro doorashada madaxweynaha Hirshabeelle

 

Sabti, September, 16, 2017 (HOL) – Iyadoo maanta lagu wado magaalada Jowhar in ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamul gobolleedka Hirshabeelle, ayeey dhinaca kale sheegtay dowladda Soomaaliya in ay dhaxdhaxaad ka tahay dhinacyada ku tartamaya doorashada.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa isaga oo ku sugan magaalada Jowhar sheegay in dowladda federaalka kala taageeri doonin musharixiinta ku tartamaya doorashada.

‘’Dowladda federaalka wax dhinac ah oo ay la safan tahay ma jiro, doorashadani waa doorasho maamul gobolleed, dadka reer Hirshabeelle ayaa xaq u leh in madaxweynaha ay rabaan doortaan, cid aannu gaar u wadanaa ma jirto’’ ayuu yiri wasiirka.

Waxaa uu sheegay in ay goob joog oo kaliya u noqon doonaan sida ay doorashada u dhaceyso laakiin aysan qaadan doonin door intaa ka badan.

Galinka danbe ee maanta ayaa la filayaa in magaalada Jowhar ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle oo ay ku tartamayaa ilaa Siddeed musharax.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]